Hordhac
Dacar-Budhuq
waa magaalo madaxda degmada Laasgeel oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland,
waxa ay ku taallaa waddada u dhaxaysa
Hargeisa iyo Berbera. waxa ka
dhisan saldhig boolis, MCH iyo iskuul hoose dhexe ah waana magaalo muhiim ah oo
isku xidha Hargaysa iyo Berbera.
Dacarbudhuq
waxaa ku yaal dowga caanka ah ee KOODAYARE iyo taalada cumar kujoog. Caasimada
Somaliland waxa ay u jirtaa 56 km, Magaala marseedka Berbera waxay u jirtaa 82
KM.
Dacar-Budhuq waxa ay caan ku tahay dooxa
Caloola oo loo garan og yahay dooxa Dacar-Budhuq
Xilli roobaad Kasta Dooxa Dacar-budhuq
Waxa uu galaafan jiray Hal-door iyo hanti badan.
Curashada raxmaadka Eebbe, Gu’ga roob onkod
kiisa judha ay dhagahaygu maqlaan, dhibicda koobaad goortay jiingadda guriga
gob ku tidhaa, bulshada Somaliland ee ku safra jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargeisa
waxa ay ka fikiri jireen halista dooxa oo haldoor badan galaaftay, gaadiid iyo
hanti badanna latagay sidoo kalana wakhti badan xannibi jiray ilaa inta biyaha
dooxa marayaan ay yaranayaan.
Mashruuca Jidka Berbera,Hargeisa &
Tog-Wajale (Berbera Corridor) ayaa dooxyo badan oo bulshada somailand halaag
iyo halis badan ku hayay ka hirgaliyay buundooyin (Bridges) dhibaatooyin badan
soo afjari doona Insha Allah.
Dhismaha buundada dooxa Dacar-Budhuq
ayaa kow ka ah. Buundooyinkaasi (Bridges) waxay meesha ka
saari doonaan caqabadihii badnaa ee muwaadiniinta reer Somaliland ay wajahi
jireen xili roobaadka marka ay ka gudbayaan dooxyada uu jidku maro.
Buundada (Bridge) Dacar-Budhuq wuxuu
qayb ka yahay dhismaha dariiqa Berbera corridor oo dowlada Imaaradku
maalgalinayso gaar ahan sanduuqa horumarinta Abu Dabia loona garan ogyahay ADFD
waxaana ka wakiila sharkada CONSER Consulting oo Design ka iyo hubinta tayada
mashruuca Berbera corridor qabilsan . Waxaa fulinta maruuca Berbera corridor iyo
dhamaystirka qaabilsan sharkada NBHH oo qandaraaska lasiiyey.
waxaan yara dul istaagi doonaa marxaladihii kala duwanaa ee uu buundada dooxa Dacarbudhuq
soo maray.
December 2019, shirkad
waddani ah oo magaceedu yahay A & A ayaa qandaraas waxaa ku siisay sharkadda
fulinaysa mashruuca Berbera corridor una
xil saartay inay dhisaan dhamaan bridges ka mashruuca Berbera corridor.
waxayna ku bilabeen buundada dooxa Dacarbudhuq. December 2019 ayaa ay ka
bilabeen inay
jabiyaan shubkii hore ee yaallay dooxa Dacarbudhuq (Existing Irish Crossing) ka
dibna waxay ku xigsiiyeen inay qodaan cagihii hoose ee buundada dooxa, waxa ay
kala kulmeen
dhagax ay ku adkaatay jabintiisu oo mudo saddex bilood ah ku qaatay inay
jabiyaan Raxmaadkii Eebbana ku soo gadheen iyagoo wali qodiddii ku jira.
18 May 2020 raxmaadka eebbe, gu’ga ayaa gabi
ahaanba dhulka lasimay dhamaan shaqadii laga qabtay ee buundada dooxa Dacarbudhuq, hakad ayay gashay
shaqadii inta ay raxmaadka
eebbe, gu’ga yaranayan ilaa bishii lixaad dhamatay.
Dib u qiimayn lagu sameeyay sharkadii wadaniga ahayd ee A & A ayaa lagu
goaaniyay inanay awood u lahayn inay howshan dhisida Bridges ayana awood u
lahayn shaqadiina laga joojiyey 6, July 2020 mudo saddex bilooda ayuu hadana hakad galay buundada dooxa Dacarbudhuq.
waxaa si rasmi ah ula wareegtay dhammaan
shaqadii buundooyinka shirkaddii fulinaysay mashruuca Berbera corridor NBHH
waxayna dib u bilowday qodista buundada dooxa Dacarbudhuq November 2020,
waxayna keen satay shaqaalo tabobaran oo xirfad sare u leh dhisidda
buundooyinka ( bridges). waxaana ay ku qaadatay inay ku dhameeyaan bridge
Dacarbudhuq mudo sanad ah iyadoo la garab wada bridge Aw barkhadle, Box Culvert
Dheenta, Box Culvert Dhubato, bridge Abdaal iyo bridge Lafaruuq oo iyaguna
xaalxaal kii u dambayey maraya xili roobadka soo socdana lamari dooni Insha
Allah.
Buundada Dacarbudhuq waxa uu ka koobanyahay wax yabahan hoos ku xusan:
·
Dhararka Buundadu (Bridge) Dcarbudhuq waa
105.5M
·
Balaca Buundadu (Bridge) Dcarbudhuq waa 12.8M
·
Buundadu
(Bridge) Dacarbudhuq waa todoba sagxadood (7 Span) lix kamida todobada
sagxadood dhararkoodu midiiba waa 15.05M halka ka todobaadna dhararkiisu yahay
15.2M.
·
Buundada
(Bridge) Dacarbudhuq Beams kiisu waa 42 Beam sagxad kasta waxaa ku jira lix
beam oo uu dhararkoodu yahay midiiba 15.5m labadii beam waxaa u dhexeeya laba (2M),
waxaana buuxinaaya labadaa mitir( 2m) prefab slab sagxad kasta oo ka mida todobadii sagxadood
ee buundadu (Bridge) Dacarbudhuq ka koobnayd waxaa galaya 175 xabo oo prefab
slab ah guud ahaana noqonaaya 7 Span*175 Prefab Slab tirade guud ee prefab
slabs waa 1225 xabo.
·
Buundada
(Bridge) Dcarbudhuq kaabadihiisu waa lix kaabadood (6 Piers) kaabad kastaana waxay ka koobantahay laba cell
oo dhex roorkoduna yahay 1.2D, labada cell waxay isku jiraan 4.8M C/C, dhererkooduna
yahay 4.5M.
Nooca sibidka ee loo isticmalay Buundada (Bridge) Dacarbudhuq waxaa la isticmaalay laba nooc oo sibidh ah SRC iyo OPC.
Shub kasta oo Buundada (Bridge) Dacarbudhuq loo isticmalay oo biyo, ciid ay
isasoo gadhayaan ama istabanayaan waxaa loo isticmalay sibidhka noociisa ah
SRC.
halka nooca labaad ee sibidh ka loo isticmalay Buundada (Bridge) Dacarbudhuq
shub kasta oo ayna is gadhayn ciid iyo biyo toona waxaa loo isticmalay sibidhka
noociisa ah OPC.
Nooca shubka (Grades) ee loo
isticmalay Buundada (Bridge) Dacarbudhuq waa
·
Leveling
of Piers & Abutments 50/20 SRC
·
Blinding
of Piers, Abutments 25/20 SRC
·
Foundation
of Piers & Abutments 40/20 SRC
·
Piers
Columns 40/20 SRC
·
Abutment
Walls 40/20 SRC
·
Piers
Shelf or Pier Caps 50/20 OPC
·
Prefab
Slabs 50/20 OPC
·
Top
Slabs 50/20 OPC
·
Barriers
50/20 OPC
·
Approach Slabs Blinding 30/20 SRC
·
Approach
Slabs 40/20 SRC
·
Side
slope Protection 40/20 SRC
Habka shay baadhka tayada ee shubka Buundada (Bridge) Dacarbudhuq saddex qaab
ayaa loo sameyaa hubinta tayada shubka loo isticmalayo Buundada (Bridge)
Dacarbudhuq.
·
Slump Test:
gaadhi lasta oo shuba waxaa la hubiyaa in sidii ugu wanaagsanay layskugu soo daray
ratio shubku ka booban yahey si tayadiisu u wanagsanato.
·
Temperature:
hubinta heer kulka shubka ee gaadhi kasta oo shub sida waxaana la ogal yahay
inaanu ka badan heer kulka shubku 35-degree ugu badnaan.
·
Compressive
strength: si loo hubiyo awooda shubka
iyo culayska uu qaadi karo waxaa laga sameeyaa shub kasta sagaal xabo oo Concrete
cubes ah biyana waa lagu dhex ridayaa ka
dib saddex ba maalinbaa lahubinayaa.
saddex maalmood marka uu joogo waxaa laga rabaa ugu yaraan 50% oo noqonaysa
25mpa inuu noqdo compressive strength.
Toddoba
maalmood marka uu joogo waxaa laga rabaa ugu yaraan 75% oo noqonaysa 37.5mpa compressive
strength.
siddeed
iyo labaatan maalmood marka uu joogo waxaa laga rabaa ugu yaraan 100% oo
noqonaysa 50mpa compressive strength.
Gabogabada Maqaalkan mashruucan
(Berbera Corridor) gaar ahan qaytiisa Buundooyinka
(Bridges) waxay meesha ka saari doonaan caqabadihii
badnaa ee muwaadiniinta reer Somaliland ay wajahi jireen xili roobaadka marka
ay ka gudbayaan dooxyada uu jidku maro.
Maqaalkana waxa uu xambaarsantahay xog muhiim ah oo bulshada,aqoonyahanka
Somaliland iyo dhamaan cidii mustaqbalka wax ka qoraysa buundada ( Bridge )
Dacarbudhuq.
F.G. Waxaana xadhiga laga jaray Buundada Bridge Dacarbudhuq 28 February 2022
waxaana xadhiga ka jaray Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, wafti ka socda sanduuqa horumarinta Abu Dabia ( ADFD) ,labada sharkadood ee mashruuca u xil saran iyo haldoorka Somaliland
W/Q : Eng. Mouktar Yousuf Ali
Mukhtaryusuf.uk@gmail.com
kana mid ah Engineerada doorkii muwaadinimo iyo dowladaba haya.
Thanks Eng. mukhtar for this valuable article.
ReplyDelete