Friday, April 8, 2022

SHAN KA FAA’IDAYSO INTAAN SHANI KUGU IMAN


 

Alxamdulilaah ilaahey ayey  mahad oo dhami u sugnaatey kaas oo samooyinka taagey bila tiir Arladana fidshey.

ilaahey subxanaa watacaalaa addunyada waxaa uu u abuurey in biniaadanku ku soo sahey qaataan una soo sahey qaataan daarta danbe iyo in ay isaga caabudaan ;

hadaba qof kasta oo muslim ah waxaa waajib ku ah in uu ka faaideysto ayaamaha is bada socda iyo cimrigisa maalinba maalinta ka danbeysa sii yaraanaya.

Waxaan naftayda iyo nafihiinaba lajeclahay inaynu ka faa’idaysano fursahada aynu haysano oo wakhtigu kow ka yahey gaar ahaan bishan barakaysan ee ramadaan

Nabi Muxammad (N.N.K.H.)  xusuusnow xadiiska uu inagula dardaarmayo wuxuuna yidhi:

 Shan Ka Faa’idayso Intaan Shani Kugu Iman

1. Dhalinyaranimadaada intaanad gaboobin      

2. Caafimaad qab kaaga intaanad bukoon

3. Wakhtiga aad firaaqada tahey intaanad mashquulin  

4. Intaad hanti leedahey intaanad faqiir noqon

5. Intaad nooshahey ka hor geeridaada

 Hadaba Nabi Muxammad (N.N.K.H.)  waxaa uu ku soo koobey xadiiskaa cilmi badan oo ku haboon in aad naftaada barbar dhigto kana faaideysato , kaas oo qofkii ilaahey waafajiyo dhaxal siin doonta liiban aakhiro iyo mid aduunba , gaadhsiin doontana in uu ilahey raali ka noqdo ,

1. QIIMAHA DHALINYARANIMADA:

Qofka biniaadanka ah wuxuu maraa malxalado iyo heerar kala duwan laga soo bilaabo habeenka uu uurka hooyadii galo , wakhtigaas iyo heerarkaas waxa ku qiimo iyo qaayo badan xilliga dhallinyaranimada ,

kaas oo xalada qofku u awooda badan yahey karana hawl walba isla markaana uu jidhkiisu uu ugu tamarta badan yahey ,waxaa uu awoodaa hawl aanu awoodin markla uu gaboobo ; sidoo kale marka uu dhalinyar yahey qofku hadii uu ku qaato macsi iyo wax aanu ilaahey ka raali aheyn waxaa aaad iyo aad u adag in ka soo noqdo mid uu illaahey soo hanuuniyo mooyee;

wakhtiga dhaliyaranimadu waa xilliga uu ilaahey maalinta qiyaamah uu addomihiisa weydiin doono iyo waliba waxey ku soo qaateen , hadba akhristow dhalinyaranimadu waxaa wakhtiga ugu haboon mudan in laga faaideyso sidii uu gabayagi carbeed ku calaaclaeyahey.

 2. CAAFIMAADKA:

Sidoo kale caafimaadku waa aasaska tiirka nolosha ku taagan tahey , caafimaad laaani waa nolol laaan qofka marka uu caafimaadkiisa waayo waxaa dacifa jidhkiisa kaas oo awood u laheyn gudashada iyo sameynta camalada waajibka ah iyo kuwa ilaahey ugu dhawanayo ;

inta badan qofku waxaa uu gartaa qiimaha caafimaadka marka uu waayo xanuuna ku dhaco

hadaba akhriste intaanad caafimaad qabto ka faaideyso oo illahey subxaana watacaala weydiiso in uu kuu siyaadiyo nimcooyinkiisa uu caafimaadku ka mid yahey .

3. WAKHTIGA:

Wakhtigu waa shey qaali ah sababtoo ah qof ka bini aadankii ficil kasta oo uu sameeyo ha noqdo camal wanaagsan iyo mid xun bee waxaa uu sameeya wakhti , wakhtigaas oo ah qeyb ka mid ah cimrigiisa.

hadaba waxaa jira in qofku wakhtiga uu firaaqda yahey uu sameeyaa camalo badan marka loo eego xilliga uu mashquulka yahey ,tusalae ahan hadii uu qofku maalintii mashquul yahey habeenkii firaaqo yahey waxaa haboon i n uu habeenkii la yimaado cibaado badan ,

sidoo kale waxa jira in camalada wanagsan badankooda la sameeyo waqkhti u gaar ah sida oogida salaadaha oo maalintii shan jeer la oogo iyo gudashada xajka oo wakhti goan la xajo;

waxaas oo camal suuban ah wakhti ayey sameeyaan waliba wakhti u gaar ah

ka faaideysiga wakhtiga iyo ilaalintiisuba waxey dhaxalsiin doontaa in uu qofku ku baraarug sanaado wakhti walba iyo camalka kug waajibka ah, ogow maalin walba oo ku dhaafta in ay tahey wakhtigaagii iyo cimrigaagii oo soconaya helina doontid wixii aad ku soo qaadatey.

4. FAAIDADA HANTIDA AMA XOOLAHA:

Xoolahu ama hantidu uu ilaahey qof siiyo waa nimco weyn waa hadii uu qofku uga faaideysto sidii uu ilaahey raali ka yahye , qofku wuxuu xoolihiisa ugu gar gaari karaaa diinta islaamka , ku reebi karaa xumaanta , ku fari karaa wanaaga ,ugu sadaqeysan karaa masaakiinta, sidoo kale ku samayn karaa masaajido,wadooyin iyo iskulo lagu barto diinta islaamka

waxaas oo ajar iyo nimco ah ayaa u sugnaatey qofka ilaahey waafajiyo khayrka xoolihiisa.

akhristow ogow in maalinta qiiyaame ee uu qof kastaaba ilaahey hor taagan yahye in aanu qofku ka hor dhaqaaqi doonin ilaahey ilaayo la weydiiyolaba  suaalood oo ah xoolahagii halkeed ka keentey ? iyo waliba halkaan ku bixisey xoolahaagii? .

ilahay haynaga dhigo kuwa hantida iyo xoolaha uu siiyey sida khayr ku kujiro uga faa’idaysa aakhrina ku liibaana.

5. NOLOSHA IYO QIIMAHEEDA:

Qofku inta uu nool yahey waa inta uu la iman karo camal kasta oo suuban se hadii uu dhinto way go’aan camalkiisu sidoo kale waxaa uu sugaaba waa xisaabin iyo abaal marin’

hadaba, akhriste inta aad nooshahey ka faaideyso oo ogow in aad, shaley uurka hooyadaa ku jirtey, maantana aad addunyada joogtid ,berri geeri iyo xabaal hoosteed taalo, maalinta ku xigtana aad xisaab iyo abaal marin u taagan tahye. 

Hadaba xisaabi naftaada ka hor intaan lagu xisaabin oo ka faa’idayso dhalinyaranimadaada ,caafimaadkaaga, wakhtigaaga, xoolahaaga , iyo waliba inta aad nooshahey waayo addunyado waa maalmo todobaadyo , bilo iyo sanado is daba socda, illaheyna aynu weydiisano in uu ku waafajiyo sida khery ka leh sidoo kalana in uu ku waafajiyo xilli kasta iyo wakhti kasta kherykiisa.


"May Allah bless us with all five so we can work harder to please Him!"

 

W/T: Mouktar Egal  

SCW……SCW….SCW
Ramaraan Kareem


No comments:

Post a Comment

WARBIXIN KOOBAN OO QIIMO BADAN KALABAYDH -WAJAALE SECTION OF BERBERA CORRIDOR ROAD

Maansha Allah Kalabaydh-Wajaale Section of the Berbera Corridor Road Project. Qaybtani waxay ka koobantahey. 1.16.5 km oo wado ah 2. 5 Pipe...